Animation

Wararkii ugu dambeeyay Ciidamadii huwanta ee ku wajahnaay xarardheere oo hada ku sugan deegaanka….

no responses
Tuesday February 14, 2017 - 2:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Hawlgal ay si wada jir ah u fulinayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug ayaa ka socda deegaanka Ceel-cabdi oo u dhexeeya magaalooyinka Camaara iyo Xarardheere ee gobolka Mudug,

Ciidanka ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqeen dhanka Deegaanka Xarardheere oo gacanta ku hayaan kooxda shabaab.

Ciidanka Maanta u dhaqaaqay dhanka Xarardheere ayaa baxay magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale Magaalada Cadaado halka kuwa kale laga keenay magaalada Muqdisho.

Hawada Degaanka Camaara iyo Degaanada ku dhow dhow ayaa waxaa ku dul heehaabaya Diyaarado Dagaal oo joog hoose ku socda.

Ciidamadaan waxaa qeyb ka ah ciidamo ajaanib ah oo sida la sheegay mareykank ah kuwaasi oo wata 40 gaadiid dagaal oo aan xabadu karin waxaana ay kusii wajahanyihiin dagmada xarardheere oo shabaab ay ku gaamureen gacan ku heynteeda.

Shabaabka ku sugan dagmada xarardheere ayaa waxa ay bilaabeen in ay dhaq dhaqaaqyo ay sameeyaan kuwaasi oo sida muuqata ay isaga difaacayan gulufka iyo ciidamada huwanta ee kaabiga kusoo haaya magaalada.

Dadku nool dagmada xarardheere ee gobolka mudug waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo ay ka qabaan in doshooda lagu dagaalamo.