Somali News

Wararkii ugu dambeeyay: Alshabaab iyo Dad Beeraley ah oo Dagaal culus uu ku dhexmaray Deegaanka….

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo qaraar uu dhex maray maleeshiyada Al-Shabaab iyo beeraleyda deegaanka kadib markii mintiidiinta kooxda Shabaab ay xoolo ari ah ka qaateen beeralayda.

Warar aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay qaateen xoolo gaadhaya ilaa 500 neef oo iskugu jira ido iyo riyo oo ay lahaayeen beeralayda dadka degaanka.

Maxamed Cusmaan Yariisow oo ka mid ah mas’uuliyinta hoggaamisa dadka degaankaas oo dagaallo xiriir ah ay dhexmarayeen Shabaab bilihii u dambeeyey ayaa VOA u sheegay in dagaallada maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Bariire iyo Awdheegle ay ka dhasheen khasaare iskugu jira naf iyo maal intaba.

Beelaha dadka degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku eedaysay inay la shaqeeyaan oo ay gacansaar la leeyihiin dawladda.

Dagaallo hore oo qaraar ayaa labada dhinac ku dhexmaraya isla Gobolka Shabeellda Hoose gaar ahaan lambar 50 iyo lambar 60.

Related posts

Shabaab oo dib uga baxay deeganka Camaara

admin

Dowlada Somalia oo Hub aad u badan ku wareejineysa Mukhtaar Roobow

admin

Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo Maanta daah-furay Barnaamij muhiim u ah dagmooyinka gobolka Banaadir

admin