Wararkii Udambeeyey Qaraxii Ka Dhacay Sh/Hoose & Saraakiil Caan Ahaa Oo Lagu Dilay [Akhriso Magacyada]

0

Warar dheeraad ayaa sheegaya in Qaraxii Maanta ka dhacay Deegaanka Dhanaane Ee Gobolka Sh/Hoose uu ka dhashay Khasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Qaraxaasi miinada ahaa ayaa lala Eegtay Askar katirsan Ciidanka Dawlada Gaadiid kollonyo ah ay wateen oo ku socdaalayey Wadada udhaxeysa Jaziira ilaa Dhanaane.

Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Aadan Kurjow isagoo ahaa Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Guutada 12 April.

Cabdisalaan ayaa Labo Bil ka hor xilkaan kala wareegay Cabdi Cali Jamaame oo Qarax lagu dilay Isla Wadada Xeebta Sh/Hoose 6 December 2018.

Qaraxa ka dhacay Deegaanka dhanaane waxaa la sheegay in ay sidoo kale Askar iyo Saraakiil kale ay ku dhinteen oo ay la geeriyoodeen Abaanduule C/salaam Kurjow.