Somali News

Warar Hordhac ah oo laga helaayo Qasaaraha ka dhashay Qarax saakay Afgooye ka dhacay iyo Weerarkii shabaabku shalay kusoo qaadeen

Warar dheeraad ah ayaa waxa laga helaya Qarax xoogan oo saakay ka dhacay Dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa Waxa uu ka dhacay Fariisin Ciidamada Dowlada ku leeyihiin Dagmada Afgooye sida ay sheegeen Saraakiisha Amniga.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku Nafwaayay ilaa 5 Askari halka ay dhaawacmeen 4 Kale oo Ciidamada Dowlada ka tirsan .

Qaraxa wuxuu dhacay Aroor hore Saakay oo Talaado ah waxaana sheegtay Alshabaab iyadoona shabaabku ay sidoo kale ka hadleen Weerar ay shalay gabal dhicii xoogagooda ay kusoo qaadeen Gudaha Dagmada Afgooye.

Shabaabku waxa ay sheegteen in Dagaalkii shalay ay ku dileen 9 Askari oo Ciidamada Dowlada ka tirsan ayna la wareegeen qeybo kamid ah Dagmada Afgooye Balse war ka madax banaan sheegashada Alshabaab weli lama helin.

Dagmada Afgooye waxaa kusoo laab laabtay weerarada ay kusoo qaadaan dagaalyahanada ASlshabaab waana Markii seddexaad oo Mudo Bil gudaheed shabaabku weerar kusoo qaadaan Dagmada iyadoona ay Afgooye Noqotay Furin dagaal oo markasto weerar ku imaan kara.

Related posts

Xildhibaan Fiqi Gudoomiye Yariisow waxaan kasugeynaa.

admin

Saraakiisha Ciidamada Booliiska Maamulka Galmudug oo Shaqo Joojin ku dhawaaqay.

Sakariye Sakariye

Dhageyso: Madaxweynaha Jubbland oo Markii ugu horeysay si Cad u shaaciyay Caqabadaha hortaagan maamulkiisa iyo Tan ugu adag waxa ay tahay

Tifaftiraha K24