Animation

Warar Hordhac ah: Maxaadan Ogeyn oo Saakay Kismaayo ka Cusub Iyadoo Habeenkii Xalay Qaraxyo Culus laga maqlay Magaalada???? warar ayaan idin kaga heynaa

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 9:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahin dheeeraad ah ayaa waxaa laga Helaaya qaraxyo Habeenkii Xalay laga Maqlay qeybo ka mid ah Magaalada Kismaayo.

Qaraxyada ayaa la sheegay in ay ahaayeen Bambo gacmeed lagu weeraray Saldhigyo Ciidan iyo Xarunta Dowlada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Inkasto aan weli si dhab ah loo ogaan Qasaaraha ka dhashay Qaraxyadaasi ayaa hadana waxaa soo baxaya warar hordhac ah oo sheegaya in qasaaro kala duwan ay ka dhasheen qaraxyadaasi.

Ciidanka Ammaanka ayaa howlgalo ka sameeyay xaafadaha Magaalada Kismaayo waxaana qaraxan uu ku soo beegmaya iyadoo Haben hore sidoo kale qarax lala eegtay xarun ay ku sugnaayeen Ciidanka Nabad sugida Jubbaland.

Magaalada Kismaayo shaay Howlgal ayey Ciidanka ka sameeyeen lamana oga howlgalkaasi cida lagu soo qabtay.