Animation

Warar Dheraad Ah: Intuu la Egyahay Qasaaraha ka dhashay Qarax Xoogan oo Saakay ka dhacay Suuq ku yaala Dagmada Kaaraan???

no responses
Thursday September 29, 2016 - 10:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxeysaa Qarax Miino ah oo Saakay ka dhacay Suuq ku yaala Dagmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in la dhigay Goob Maqaaxi ah oo ku taala Suuqa Xirka-dheere ee Dagmada Kaaran iyadoona u jeedkiis auu ahaa in lagu Bartilmaamedsado Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka oo Halkaasi ka Cunteeya.

Inta la Xaqiijiyay Laba Qofood oo Dumar ah ayaa Qaraxa ku dhimatay halka sidoo kale dhaawac uu jiro inkasto dhaawaca aan la sheegin inta uu la egyahay.

Ciidankii Dowlada ee qaraxa lala beegsanayay waxba kuma gaarin balse dad shacab ah oo weliba dumar ayey waxyeelada soo gaadhay waxaana goobta gaaray masuuliyiin kaa tirsan Maamulka Dagmada Kaaraan.