Animation

Warar Dheeraad ah oo Laga Helaayo Qasaaraha ka dhashay Qarax Xoogan oo Cawada Fiidkii Lalala Beegsaday Ciidamada Dowlada oo ku sugnaay Isgooska Sayidka ee Magaalada Muqdisho

2 responses
Saturday November 5, 2016 - 5:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Qarax Xoogan oo Fiidnimadii Cawada ka dhacay Isgooyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo Buuxiyay oo uu watay Qof Naftii Haliga ah waxaana Gaariga uu la beegsaday Baabuur Ciidan oo Yiilay Afaafka Hore ee Hotelka Sayidka.

Wararla qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ay Iskudayeen in Gaariga ay hakiyaan Balse Qofkii Is qarxin rabay uu ka dhaga adaagay Durbadiina uu Gaariga ku dhuftay Baabur Ciidamada Dowlada ay Leeyihiin.

Inta la Xaqiijiyay Qarxa waxaa ku dhinta Ilaa 4 Ruux oo Labo kamid ah sida la sheegay ay Yihiin Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaliya oo Qaraxa Lala beegsaday Halka Labada Ruux kalana ay yihiin Shacab.

Marka laga soo tago Qasaaraha dhimashada waxaa jira Dhaawacyo soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowlada iyo Dad shacab ah waloow aan weli si Rasmi ah loo Xaqiijin Tirada Dhaawacyada waxaana Qaraxa markuu dhacay soo gaaray Gaadiidka Gurmadka Deg dega ah oo dhaawacyada ka daad gureynaayay Halka Qaraxa uu ka dhacay.

Dowlada weli kama aysan Hadlin Qaraxan ka dhacay Agagaarka Taalada Sayidka Balse Alshabaab ayaa sheegtay Qaraxan waxaana ay sheegen in ay la Beegsadeen Kolonyo Gadiid ah oo Ciidamada Dowlada ay leeyihiin Kuwaasi oo Marayay sida ay sheegen Isgooyska Sayidka ee Wadada Maka Almukarama.