Animation

Warar dheeraad ah oo laga helaayo dil xalay muqdisho loogu geestay guddoomiyihii gobolka galgaduud

no responses
Saturday August 5, 2017 - 10:52 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dabley ka tirsan tirsan ururka al-Shabaab ayaa xalay degmada Yaaqshid ku dilay guddoomiyihii gobolka Galgaduud oo lagu magacaabo Maxamed Ali Elmi iyo nin kale oo ay walaali yihiin.

Kooxo hubeysan ayaa Guddoomiyaha iyo walaalkiis ku dilay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid oo ay ku booqanayeen eheladooda, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in kooxaha hubeysan ay guriga ku dhex dileen.’

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka, waxaana warar lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in ciidankooda gaarka ah ay ka dambeeyeen dilka Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha la dilay ayaa waxaa xilka u magacaabay madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariim Guleed bishii Janaayo ee sanadkan,

Sidoo kale nin kale oo nabadoon ah ayaa xalay magaalada lagu dilay, waxaana Dilalkaasi ayaa dhaceen saacado yar kadib markii ay magaalada uu ka dhacay qarax baabuur oo xooggan oo la xaqiijiyay inay ku dhintee ilaa saddex qof.