Animation

Warar dheeraad ah: Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah oo Xalay ay ka dhaceen Dilal aad looga naxay Yaase la dilay ??

no responses
Friday February 3, 2017 - 8:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Dagmada yaaqshiid waxaa xalay lagu dilay Nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Cusmaan tiireey .

Dilka Ganacsadaha ah waxaa geestay koox bastoolado ku hubeysan waxaana marxuumka la dilay xili uu ka soo baxaayay masjid lagu magacaabo dabaqeynka oo ku yaala dagmada yaaqshiid.

Lama garaanyo sababta loo dilay ganacsadaha iyo dableyda dilka ka dambeysa waxaana wararku ay sheegayan in kooxdii dishay marxuumka ay goobta ka carareen .

Ciidamada ammaanka ayaa goobta soo gaaray iyagoo bilaabay howlgal lagu baadi goobaayo dableeydii dilka u geestay Marxuum cismaan tiirey.

Muqdisho waxaa joogta ka ah dilalka qorsheysan ee loo geesto ganacsatada , ciidamada dowlada , Nabad-doonada iyo dadka kale ee dowlada ku lugta leh mana jirto cid ilaa iyo hada wax ka qabatay dilalkaasi qorsheysan ee muqdisho qaatiga ka taagantahay.

Facebook Comments