Animation

Warar dheeraad ah: Diyaaraddo dagaal oo xalay duqeyn xoogan ka geestay saldhigyo alshabaab ay ku leeyihiin deegaanka…..

no responses
Sunday June 11, 2017 - 11:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayan diyaaraddo dagaal oo duqeyn xoogan ka geestay deegaanka toora-toorow ee gobolka shabeellada hoose.

Duqeynta ayaa dhacday xalay waxaana lala beegsaday saldhigyo alshabaab ku leeyihiin toora-toorow.

Diyaaraddaha duqeynta geestay lama aqoonsan halka laga leeyahay waxaase loo maleynaya in ay leedahay dowladda mareykanka oo inta badan duqeymaha ka geesatay dalka soomalia.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in duqeyntan xooggeeda xalay laga maqlay deegaano ku dhow dhow Toora-Toorow, halkaasoo shalay uu dagaal ka dhacay.

Lama oga qasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaraddaha ee soo gaaray dagaalamayaasha alshabaab ee ku sugan saldhigyada la beegsaday ee toora-toorow,

Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa amisom ay weerar ku qaadeen deegaanada ay shabaab ka maamulaan gobolka shabeellada hoose waxaana kamid ahaay deegaanadaasi deegaanka toora-tooroow oo shabaabka ku xooganyihiin.