Animation

Warar Dheeraad ah Al Shabaabkii isku Qarxiyay Hotel Saxafi & Qaarkood oo la qabtay

no responses
Tuesday November 3, 2015 - 8:42 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Gebi ahaanba waxaa Hotel Saxafi laga qaaday oo baaritaano xoogan ku socdaan Meeydadkii dagaalyahanadii Al Shabaab ee ku dhintay Hotel Saxafi kuwaas oo qaarkood looga shakiyay inay ka yimaadeen Dibadaha .

Ciidamada Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saraakiil Cadaan ah ayaa si buuxda ula wareegay Meeydadkii Al Shabaabkii isku qarxiyay Hotel Saxafi waxaana dhamaan dhiiga ragaas lagu baarayaa xarunta xalane ee magaalada Muqdisho .

Warar hoose oo la xaqiijiyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 ka mid ah ragaas is qarxiyay ay ka yimaadeen Qurbaha in kastoo jirkooda oo gubtay iyo dhiigooda baaritaano xoogan lagu hayo,Sidoo kale waxaa jira shaki weyn oo laga qabo in uu jiro mid ka mid ah Dagaalamayaashaan oo mudo isbuuc ah magac kale ku dagnaa Hotel Saxafi .

KISMAAYO24.COM

Facebook Comments