Animation

WAR-SAXAAAFDEED: Madaxtooyada soomalia oo war ka soo saartay weerar lagu bur buriyay saldhig shabaab ay ku leeyihiin….

no responses
Sunday June 11, 2017 - 2:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war saxaafadeedkan kasoo saaray weerarkii saaka aroortii lagu burburiyay saldhiga ay al Shabaab ku lahaayeen meel u dhaw Degmada Saakoow.

“Saaka aroortii, waxaan amray in ciidamadeenna gaarka ah oo kaashanaya saaxiibadeenna caalamka in ay weerar ku qaadaana xarun tababar oo ay kooxda argagixisada ah ee al Shabaab ku lahayd meel u dhaw Degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

“Weerarkan oo ah ahaa mid guul ku dhammaaday ayaa lagu burburiyay xarun tababar oo muhiim u ahayd hawlaha amni darro ee ay kooxdan soo abaabusho. Tani waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu kusoo abaabuli cusub weerarro cusub.”

“Markii aan xafiiska la wareegay, waxaan sheegay in maamulkayga uu ahmiyad sare siin doono amniga. Weerarkan wuxuu sare u qaadayaa amniga iyo xasilloonida dalka, wuxuuna yareynayaa khatarta ay kooxda Al Shabaab ku hayso dadka Soomalaiyeed.”

“Waxaan muddo kusoo jirnay dhibaatooyin ay noo gaysatay Al Shabaab, oo ah koox ku xiran shabakado argagixiso oo caalami ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee aan leenahay waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo lagu hubinayo in hawlgalladan aysan dhibaatooyin kasoo gaarin dadka shacabka.

“Waxaa hubaal ah in ay jiran dadka katirsan dhallinyaradeenna, qoysaskeenna ama deggan xaafadaheenna in ay Al shabaab u geysteen dil ama dhaawac. Shakhsiyan waxaan la kulmay qoysaska dad ay dhibaateeyeen Al shabaab. Dadka ay dhibaatada kasoo gaartay Al shabaab iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan rabaa inaad ogaataan in ay naga go’antahay inaan ka adkaanno kooxdan oo aan dadkeenna mideyno.”

Waxaan u sheegayaa kuwa wali ku jira Al Shabaab ee duurka ku jira inaan weerar kusoo nahay. Laakiin haddii aad ka faa’iideysataan fursadda aan idin kugu fidinnay cafiska oo aad ka iska daysaan gacan ka hadalka, waan idin soo dhaweynaynaa oo waxaan idiin sameyn doonnaa barnamaijyo la idinku hormarinayo Wax mustaqbal ah idiinma yaallo al Shabaab agtooda, laakiin waxaad qeyb ka noqon kartaan mustaqbalka Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

DHAMMAAD