Animation

War Naxdin ah: Meydka Ruux la Gowracay oo Saakay Aroortii lagu Arkay Gudaha Dagmada……

no responses
Sunday October 30, 2016 - 11:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Meydka ruux la gowracay ayaa saaka lagu arkay Degmada Tiyeglow oo ka tirsan Gobolka Bakool, halkaasi oo todobaadkii aan soo dhaafnay ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya.

Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay saaka markii ay soo tooseen inay arkeen meydka nin gowracan oo yaala gudaha Degmada Tiyeglow.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Arintaan ayaa Cabsi weyn ku beertay Dadka ku dhaqan dagmada Tiyeegloow oo Hada ay Gacanta ku haayan Maleeshiyada Alshabaab .

Tiyeegloow waxa dhawaan isaga baxay Ciidamada Shisheeye ee Itoobiya waxaana waxyar kadib la wareegay Dagaalyahanada Alshabaab Iyadoona ay xusid mudantahay in Shabaabka marka ay magaalada soo galeen ay dileen Laba Ruux oo Dadka deegaanka ah kuwaasi oo ay ku Eedeyen in ay la shaqeynayeen Ciidamada Itoobiya.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.