Animation

War Naxdin ah: Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah ku Xasuuqay Deegaano Hoostaga Dagmada…..

one response
Thursday November 10, 2016 - 7:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga Helaaya Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in Dad Rayid ah ay ku dileen Degaanka Dac ee hoostaga degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Dadka ay Ciidamada Itoobiy Dileen waxa ay gaaraayan ilaa Afar Ruux oo Reer miyi ah waxana Falkaasi uu dhacay Kadib Markii Ciidamada Itoobiya ay Weerar Kadis ah kala Kulmeen Alshabaab Weerarkaasi oo qasaaro xoogan Loogu geestay Ciidamada Itoobiyana Iyagoo aad u Careysan ayey soo galeen Deegaana Dac oo Hoostaga Dagmada Ceel-buur Halkaasina ay ku dileen Afar Ruux oo Shacab ah.

Maamulka Degmada Ceel-buur ayaa Xaqiijiyay Dilka Afarta Ruux iyo dhaawaca Lixda kale,waxaana dadka Dhintay ku jira Nabaddoon lagu Magacaabo Axmed Cabdulle Dhoobac oo 85 sano jir ah.

Shalay ayey ahed markii Duleedka degaanka Wabxo ee Gobolka galgaduud gaari ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya uu ku jiiray Qoys ka kooban Shan Ruux oo ay dhinteen Hooyo iyo Labo Ilmo ah oo ay dhashay halka Aabihii iyo Canug yarna uu dhaawac soo gaaray.

Ciidamada Itoobiya oo Soomaliya ugu sugan Nabad ilaalin ayaa Waxa ay Gumaad iyo Gumeysi ku haayaan Bulshada Soomaaliyeed waana Marag ma doonto in Ciidamada Itoobiya ay soomaliya u joogaan Xasuuqa Umadda Soomaliyeed oo Cadaawad soo Jireen ah kala dhaxeysa Xabashida Itoobiya.