Animation

War murtiyeedkii Kasoo baxay kulankii Waxgaradka Beesha Maqaabul

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 2:32 under Top News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa taariikhdu markay ahayd 7/11/2015, magaalada Nairobi kulan ay yeesheen  qeyb kamid ah wax garadka siyaasiyiinta,culimada,ganacsatada iyo odeyaasha beesha maqaabul oo uu goobjoog ka ahaa Suldanka guud ee beesha, Suldan Faarax Suldaan Maxamed Suldaan Negeeye ayaa falanqeeyn dheer iyo wadahal ka dib waxaa kasoo baxay qodobada hoos ku qoran:

Midnimada beesha

 

  • waxaa laysla qaatay in midnimada beesha aay tahay waajib lana xoojiyo qof kastana waa in uu ka shaqeeyo.
  • Waxaa la isla qaatay in dhamaan khilaafaadka beesha dhexdeeda ah ee taagan lagu xaliyo wada xaajood iyo isafgarad.

 

  1. Dhismaha cusbitaalka degmada Badhaadhe

 

  • Ka dib markii la arkay baahida caafimaad ee degaanka ka jirta ayaa waxaa laysla qaatey in la taageero mashruuca dhismaha cusbitaalka degmada Badhaadhe.
  • Waxay waxgaradka ugu baaqayaan xubnaha beesha, dadka degaanka iyo ciddii kasta ee samafalka jecel in aay si buuxda uga qeyb qaataan mashruuca dhismaha cusbitaalka degmada badhaadhe oo hada socda.

 

  1. Dhismaha garoonka diyaaradaha ee badhaadhe

 

  • Markii la arkay go,doonka aay degmadu ku jirto xaga isu socodka iyo markii la arkay baahida loo qabo in garoon diyaaraded la helo, ayaa waxaa laysla qaatay in laga hawlgalo dhismaha garoonka diyaaradaha ee Badhaadhe.
    • Waxay waxgaradku ugu baaqayaan xubnaha beesha, dadka degaanka iyo ciddii kasta ee samafalka jecel in aay si buuxda uga qeeybqaataan mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada badhaadhe

 

  1. Dib ucelinta Qoxootiga
  • Maadama dhawaan la gudagelidoono celinta qoxootiga soomaaliyed ayaa waxaa aay beeshu soodhoweyneysaa dib usoocelinta qaxootiga.
  • Waxay waxgaradka beesha isla qaateen in Beesha maqaabul laga tala geliyo dib u dejinta qaxootiga maadaama la qorsheeyey in qaxootiga dib loo dejiyo degaanka beesha.
  • Waxaay beeshu ugu baaqaysaa dadka degaanka joorrey ay soo dhoweeyaan qoxootiga la keenayao degaanka.
  1. Maamulka Jubbaland
    • wuxuu waxgaradka beesha isla gartay in si buuxda loo xoojiyo loona taageero maamulka jubbaland.
    • waxaa kale oo laysla qaatay in beeshu ay si buuxda uga hesho saamiga iyo xaqa ay ku leedahay maamulka jubbaland ee ay wax ka leedahay waxna ka soo dhistay.
  2. Xaalufinta dhirta:
    • Waxa ay waxgaradka beeshu si cag uga soo horjeedaan xaalifunta joogtada ah ee lagu hayo degaankeeda, gaar ahaan gubista dhuxusha ee dhulka joorrey, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa cid kasta oo wada gubista dhirta inay si degdeg ah ku joojiyaan arrinka jarista iyo gubista dhirta.
    • Waxaan dadka degaanka, maamulka jubbaland iyo beesha caalamkaba ugu baaqaynaa inay tallabo adag oo degdegah ka qaadaan joojinta dhuxusha iyo guud ahaan xaalufinta degaanka.

 

Geba gebadii

Ugu dambeeyntii waxaay waxgaradka beeshu baraarujineeysaa ala kacabsi iyo cadaalad dhaxdeeda ah. sidookalena in aay daneheeda umaareeyso si wada jirka iyo maslaxada guud ee dalka, diinta iyo dadkaba ay  ku jirto.

Waxaa bayaanka ku saxiixan waxgaradka hoos ku Xusan:

  1. Suldan Faarax Suldaan Negeeye (suldaanka guud ee Beesha Maqaabul)
  2. Bile Rafle Guuleed (wasiir hore iyo siyaasi ruug caddaa ah)
  3. C Rashiid Maxamed Xiddig (wasiiru dawlaha arrimaha gudaha)
  4. Xil . Maxamed Ismaaciil Shuuriye (Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka)
  5. C/Rashid C/Lahi Gooni (Gudooyimaha gobolka jubada hoose)
  6. Sh Maxamed Ibraahim Shakuul (ka mid ah culimada iyo ganacsatada)
  7. Inshaar Axmed Faarax (Ka mid ah Culimada & Ganacsatada)
  8. Nabadoon Adan Ibrahim Bayer (ka mid ah nabadoonada beesha)
  9. Daahir Kaahiye .(Guddoomiyaha xerada Xagardheer)
  10. Ahmed Muhumad (Maareeyaha hayadda Somali Aid)

maqa maqa1 maqa2 maqa3 maqa4 maqa5 maqa6 maqa7

WAA BILAAHI TAWFIIQ