Animation

War Muhiim: Dhageyso Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Shacabka U sheegay Arin Rajo weyn galineysa oo ku Aadan Dacwada Badda .. Tollow Maxay tahay???

no responses
Thursday September 22, 2016 - 3:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Magaalada Hague ee dalka Netherlands waxaa maalinta berri ah lagu soo gaba gabeynayaa doodo illaa iyo Isniintii soo dhex marayey qareenada Somalia iyo kuwa Kenya oo ku aadan muranka dhinaca badda ah ee labada waddan ka dhex ooggan.

Doodahan oo ay dhageysaneysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo ay Somalia dacwad u gudbisay ayaa Soomaaliya ay ku dooneysa in maxkamadda ay qaado kiis ku saabsan xadeynta xuduudda badda ee labada dal.

Dhinaca kale, Kenya ayaa waxa ay weli ku adkeysaneysaa in maxakamaddu aaney qaadi karin maadaama ay Soomaaliya horey ula saxiixatay Kenya heshiis is-afgarad ah.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmad Cali Daahir ayaa ka hadlay Sida ay wax uga socdaan Hague iyo Dacwada Halka Mareyso wuxuuna xusay in maalinta Beri ay Qareenada Soomaliya u doodaya ay jeedin doonan Hadalkooda ugu dambeeyo iyadoona Maxkamada laga dhursugi doono Natiijada dacwadaan.

Axmad Cali Daahir wuxuu sheegay in kenya ay weli ku doodeysa in Maxkamadda aysan Awood u Laheyn in ay qaado dacawadan waxaana uu xusay Xeer Ilaaliyaha in Hadii uusan Jiri Laheyn Heshiiskii Is Afgaradka ahaa ee MOU Dacwada aysan Heerkaan soo gaari laheyn Kenyana aysan Andacoosha iyo dood keeni laheen Maxkamadda.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Xeer Ilaaliyaha ee VOA

Facebook Comments