Animation

War Muhiim ah: Q.M oo Dabagal ku Heyso Habka Doorashada Aqalka Hoose ay Uga socoto Magaalada…..+Sawirro

one response
Saturday November 19, 2016 - 10:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaa gaaray Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Danjire Michael Keating.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya keating, ayaa ujeedka uu u tagay Magaalada Baydhabo, waxaa lagu sheegay inay tahay ukuurgalka sida ay ku socdaan Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Keating, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna ka dhageystay sida ay ku socdaan arimaha Doorashooyinka.

Keating ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa xalinta colaadii ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

20161120_004848 20161120_004933 20161120_004955 20161120_005038 20161120_005057 20161120_005114