Animation

War Hadda Ah:-Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho+Faah faahin Hordhac

no responses
Sunday October 2, 2016 - 11:02 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Warar goor dhaw kusoo dhacay Warqabadka Wakaalada K24 ayaa waxay sheegayaan in jug xoogan laga maqlay Xaafada Madiina Qeybta Degmada Wadajir.

Qarax xoogan oo gaari ahaa ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel ku dhaw Xerada Barakacayaasha Rajo Ee Degmada Wadajir.

Waxaan weli si cad loo ogeyn Cida la beegsaday balse hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay gaariga qarxay.

Dadka deegaanka ayaa ku sheegay in gaariga qarxay loo maleenayo in qaraxa uu ku rakibnaa,waxaana goobta gaaray ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya oo xiray agagaarka meesha qaraxa laga  maqlay.

Facebook Comments