Animation

WAR HADDA AH: DF oo Shaacisay in ay dishay Madax ka tirsan Al-Shabaab………….(Kumuu Ahaa???)

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 6:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku dishay hogaamiyeyaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab howgal ka dhacay deegaanka Toora-Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn ay geysteen diyaarado laga leeyahay dalka Mareynkanka iyo sidoo kale howgal ay fuliyeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya in lagu dilay Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Canshuuraha gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay dishay Madaxii Garsoorka Al-Shabaab iyo sidoo kale Madaxii gobolka Shabeelaha Hoose u qaabilsanaa Al-Shabaab.

Hogaamiyeyaasha ay sheegtay dowladda Soomaaliya in ay dishay ma shaacin magacyadooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay saraakiil ku dishay howgal ka dhacay deegaanka Lambar 60 ee gobolka Shabeelaha Hoose.