Animation

War hada: Xildhibaankii labaad oo baarlamaanka ka tirsan ayaa xalay muqdisho ku geeriyooday+magaciisa

no responses
Monday February 13, 2017 - 7:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi oo ka tirsan baarlamanaka federaalka ayaa xalay ku geeriyooday magaalada muqdisho.

Xildhibaanka oo waayadan dambe ku xanuunsanay magaalada muqdisho ayaa xalay waxa uu ku geeriyooday cisbitaalka digfeer oo lagu baxnaaninaayay.

Xildhibaankan ayaa la xanuunsanayay cudurka dhiig-karka ah, waxaana la sheegayaa inuu ahaa Xildhibaankii ka maqnaa doorashadii madaxweynaha ee dhacdya Arbacadii la soo dhaafay.

Geerida xildhibaanka waxaa ka tacsiyadeeyay guddoonka baarlamaanka soomaliya .

Waa xildhibaabnkii labaad ee ka tirsan baarlamaanka soomaliya oo geeriyooday tan iyo markii lasoo dhisay aqalka hoose.

Saciid Xasan Geeddi ayaa ku soo biiray Baarlamaanka Soomaaliya xilligii 2012, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii dhowaan dib loo doortay ee doorashadooda ka dhacday magaalada Muqdisho.

Waxaa uu horay uga mid ahaa Saraakiishii ciidamada xoogga dalka, xilligii dowladdii kacaanka waxaa uu darajada ciidanimo ka gaaray Jeneraal.

Facebook Comments