Animation

War Hada: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaliya oo Ku guuleystay Kursiga Seddexaad Aqalka Sare Puntland+Magaciisa

no responses
Thursday October 20, 2016 - 9:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Puntland ayaa weli waxa ay ka socotaa Magaalada Garoowe waxaana Xildhibaanada ay Hada Codkooda siiyeen Musharax Xildhibaan Cabdirisaaq Cisaan Xasan Jurille oo kamid ah baarlamaaka Soomaaliya.

Musharaxaan wuxuu Kursiga Seddexaad ee Aqalka sare kula Tartamaayay Haweeney lagu Magacaabo Hodan Ismaaciil Cilmi Wuxuuna Helay Codad gaaraya 33 Halka Haweeneyda la Tartameysay ay heshay 32 Hal Cod oo kaliya ayuu kuso Baxay Xubinta Seddexaad ee Aqalka Sare Puntland.

Waxaa weli dhiman Xubno kale oo Iyagana Musharixin ah Doorashadana Meel Xasaasi ah Ayey Mareysaa.