Animation

War Hada: Xasan Shiikh oo Tacsi u diray Eheladii iyo Qaraabadii uu ka Baxay Marxuum…..

no responses
Monday November 21, 2016 - 10:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Muqdisho, 21 November 216- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan shacabka, qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle la wadaagayaa tacsidan murugada leh. Waxaa marxuumka lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay shacabkiisa ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuum Daahir oo ka mid ahaa xildhibaannada cusub ee dhowaan la doortay iyo xildhibaannadii hore Allaah uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo.

Dhammaad

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so