Animation

War Hada: Waxbadan Ka Ogow Socdaalka Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha General Koofi uu ku tagay Magaalada Cadaado…

no responses
Wednesday November 2, 2016 - 2:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Federaalka Soomaaliya G/dhexe Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Cadaao.

Taliyaha ayaa kormeeray qaybta socdaalka ee Airporka Magaalada degmada Cadaado, waxaana kadib  uu kulan la qaatay  Madaxwayne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo Xafiiskiisa ku soo dhaweeyay.

Taliyaha Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dawlada Federaalka Soomaaliya G/dhexe Maxamed Aaden Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in safarkiisa Cadaado uu la xiriiro  hormarinta hawlaha shaqo Laanta Socdaalku qabato.

Madaxwayne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa isna sheegay in isku xirka hawlaha Garoomada Diyaaradaha iyo hormarinta Laamaha Socdaalka iyo jinsiyaduhu ay qayb ka qaadan karto Xaqiiinta Amniga guud ahaan dalka.

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Federaalka Soomaaliya G/dhexe Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug.