Animation

War Hada: Waxbadan ka Ogow Socdaalka Danjire Keating uu ka tagay Magaalada Cadaado…

one response
Saturday November 26, 2016 - 8:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu hogaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada cadaado ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Galmudug, halkaasi oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka hoose ee baarlamaanka cusub.

Wafdiga wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa la filayaa in kulamo ay la qaataan masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo xubnaha gudiga Doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyaga oo kala hadli doona halka ay mareyso arimaha doorashooyinka ee ka socda Cadaado.

Doorashooyinka xubnaha Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka socda magaalada Cadaado ayaa iminka maraya meel wanaagsan, iyada oo la doortay xubno dhowr ah kuwa kalena ay wali harsan yihiin.