Animation

War Hada: Waxbadan ka Ogoow Magaalada Muqdisho oo maanta ay ka dhici doonan Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha…….

no responses
Wednesday November 30, 2016 - 6:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacaan Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadirga kuwaasi oo doorashadooda lagu Balamay in Xamar ay ka dhacaan.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer federaal ayaa shaaciyay in maanta oo Arbaco ah ay muqdisho ka bilaaban doonan Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga ah;

Doorashada ayaa waxa ay ka dhici doontaa Xarunta Gaadiidka Booliska ee Dagmada C/Casiis waxaana aad loo adkeeyay Ammaanka Goobta ay doorashada ka dhici doonto.

Illaa Saddex Kursi oo ka mid ah Kuraasta Xubnaha Aqalka Hoose gaar ahaan Beelaha Banaadiriga ayaa Maanta ka dhaceysa Xarunta Gaadiidka Booliska Ee Magaalada Muqdisho.

Ergooyinka ayaa Goordhaw lagu xareyn doona Xarunta Gaadiidka Booliska oo doorashada ay ka dhici doonto.

Musharixiin Badan ayaa u tartameysa Kuraasta Aqalka hoose ee Beelaha Banaadiriga ah ay ku leeyihiin Baarlamaanka soomaliya.