Animation

War Hada: Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka oo War Kaloo Cusub ka soo saartay Duqeyntii ka Dhacday Bariga Gobolka Mudug

no responses
Saturday October 1, 2016 - 11:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

k24

Xoghayaha Gaashaandhigga Dowladda Mareykanka Ashton Carter ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay Baaritaan Qoto dheer ku sameyn doonto Duqeyntii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacday Bariga Gobolka Mudug ee ay Fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka.

Ashton Carter ayaa Xusay in Mareykanku uu wali darsayo Macluumaadka la Xariira Duqeyntii lagu dilay Ciidamada Galmudug,waxaana uu intaa ku daray Ash Carter in Baarista ka dib Mareykanka uu ka Jawaabi doono waxii ka soo baxa Baaritaanka.

Maalmo ka hor ayaa Afhayeen u hadlay Waasaradda Difaaca Mareykanka waxaa uu sheegay in Duqeyntii ka dhacday Bariga Gobolka Mudug lagu dilay Sagaal ka mid ah Mitidiinta Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamulka Galmudug ayaa Mareykanka ugu baaqay inuu Baaritaan Waafi ah ku sameeyo Duqeynta uu la Bartilmaameedsaday Ciidamada Maamulka Galmudug.

Duqeynta ay Fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka waxaa ku dhintay Kuwa Dhawaad 20 Askari oo Ciidanka Daraawiishta Galmudug ka tirsan Iyadoona Tiro kalo Toban kor u dhaafeyso ay Dhaawacmeen waxaana Mareykanka uu horay ugu sheegay in Duqeyntaasi uu ku beegsaday Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.