Animation

War Hada: Warar dheeraad ah oo laga helayo Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay wadada Afisyooni, gaar ahaan…..

2 responses
Saturday November 26, 2016 - 2:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari nuuca raaxada ah ayaa ka dhacay wadada Afisyooni, gaar ahaana nawaaxiga Suuqa Beerta ee degmada Waaberi, halkaas oo xiliga qaraxa uu dhacay uu kajiray mashquul badan.

Inta la xaqiijiyey 9-qof ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen 15-ruux oo kale oo mid kamid ah uu yahay askari katirsan ciidanka Qaranka.

Gudoomiyaha degmada Waaberi Xuseen Axmed Culusow ayaa sheegay in Dadka qaraxa ku dhintay ay u badnaayeen arday Soomaaliyeed oo xiligaasi kasoo baxay goobahooda waxbarashada, iyo dadkii ku ganacsanayey suuqa beerta ee magaalada Muqdisho oo dhamaantood ahaa dad shacab ah.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle sare Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen naftii haligihii ka dambeeyey qaraxa, islamarkaana iminka ay gacanta ku hayaan ciidamada amaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheakh Maxamuud ayaa ciidamada amaanka ku amaanay dadaalkooda, isagoo xusay in ciidanku ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan naftii haligii ka dambeeyey qaraxa dadka shacabka ah lagu dhibaateeyey.

Qaraxa ka dhacay Muqdisho oo ay ka dambeeyeen kooxaha nabad diidka ah ayaa lagu dhibaateeyey dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ay kamid yihiin arday iyo dad ku gacansanayey Suuqa Beerta oo ay kujiraan hooyooyin.