Animation

War hada: Waa Sidee Xaaladda Magaalada Galkacyo Maxayse Sheegayan Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalka laga helay

no responses
Monday October 24, 2016 - 11:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo saakay Magaalada galkacyo uu dib uga qarxay Dagaa Culus oo u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo laga helaayo dagaalkii saakay ka bilowday Galbeedka magaalada Galkacyo.

Dagaalka ayaa la sheegay in Qasaar kala duwan ay kasoo gaadhay Dhnacyadii dirirta ay dhexmartay iyo Dad Shacab ah.

Inta la xaqiijiyay Dagaalka waxaa ku dhintay 5Ruux oo isugu jira shacab iyo Dhinacyadii dagaalamay waxaana dhaawaca uusii caga cageynaaya 14 Ruux oo la geeyay Cisbitaalada Konfurta iyo Wuqoyga Galkacyo ku kala yaal sida dhaqaatiirta ay warbaahinta u sheegen.

Dagaalka ayaa la sheegay in Hada xooga uu yara qabobay inkastoo la maqlaayo mararka qaar Rasaas Goos goos ah .

Maamulada Galmudug iyo Puntland weli kama aysan Hadlin Dagaalkii saakay ka bilowday Galkacyo.