Animation

War Hada: Wa Kuma Safiirka Cusub ee Boqortooyada UK usoo Magacowday Soomaliya???

one response
Saturday November 19, 2016 - 9:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Britain ayaa Safiir cusub usoo Magacowday Dalka Soomaaliya, kaasoo beddeli doona Danjirahii hore u joogay Magaalada Muqdisho.

David William Concar, oo ah rug caddaa siyaasadeed meelo badan oo Caalamka ahna kasoo shaqeeyay ayaa beddeli doona Harriet Mathews, oo door weyn kasoo qaadatay hagaajinta xiriirka Labada Dal iyo howlaha doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in Safiirka hore loo Magacaabay xil kale,iyadoo howlahii qabyada ahaana uu halkii kasii wadi doono Damjiraha cusub.

Danjirahii hore ee Britain u joogay Soomaaliya Mss; Harriet Mathews, oo Xafiiska qabatay 16-kii Marso 2015-kii, ayaa Mr; David u bannaynaysan horraanta Sanadka Soo socda ee 2017-ka.