Animation

War Hada: Taliska Ciidanka Xooga Dalka oo Cadeeyay Waxa ay Ahaayeen Ciidankii Duqeynta Mareykanka ku dhintay

no responses
Thursday September 29, 2016 - 2:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ammaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Cali Baashi Maxamed ayaa lagu sheegay in duqeyta 27.09.2016 ka dhacday bariga magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka islamarkaana lagu dilay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Gen Calibaashi wuxuu sheegay in taliska Xoogga Dalka Soomaaliya uu Caddeynayo in dadka ku dhintay duqeyntaasi aysan Xiriir la laheyn al shabaa deeganadaasina aysan wax sameyn ah ku lehyn, wixii halkaasi ka dhacayna uu ahaa Shil ku dhacay si qaldan “Dab Saaxiibtinimo”,

“Dab Saaxiibtinimo ayuu ahaa Shilkaasi, Xiriir ayaan kala sameynay ha’yadihii ay Qeyseysay arrintaasi, baaris ayaan ku sameynay, taliskuna wuxuu caddeynayaa in dadkii masaakiinta ahaa iyo ciidamada lagu laayay duqeyntaasi aysan wax lug ah ku laheyn Al-shabaab, deegaankaasina aysan shabaab joogin” ayuu yiri Gen Calibaashi.

Ammaanduulaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu sheegay in shilkaasi uu ahaa mid dhibaato xoog leh ay kasoo gaartay dadka deegaanka uuna sababay qaasaare naf iyo maal intaba, ciidamada waxyeellada ba’an uu gaarayna ay deegaankaasi ka wadeen howlo samafal ah.

Ugu dambeyntii taliska Xoogga dalka ayaa  ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay isdajiyaan ariintaasina gacanta lagu hayo meelna aysan uga haridoonin, xanuunkana ay la qeybsanayaan ehllada iyo qoysaska dadkii shida xaqdarada ah loogu Xasuuqay Duqeynta ay Mareykanku ka fuliyeen duleedka magaalada Gaalkacyo.