Animation

War hada soo Dhacay: Wariye ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo ku dhaawacmay Dagaal Maanta ilaa iyo Cawada ka socda Muqdisho+Magaciisa iyo Xaaladiisa oo…..

no responses
Tuesday September 13, 2016 - 6:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ay heleyso Kismaayo24 ayaa sheegaya in Dagaal Maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Muqdisho uu ku dhaawacmay Wariyaha Warbaahinta Qaranka C/Casiis Maxmuud Guulled Afrika .

Dagaalka ayaa kla sheegay in uu dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Soomaliya oo sida la sheegay isku qabtay Wado xirneyd oo Ciidan ay doonayeen in ay maraan halka kuwa ilaalada wadadaasina ay diideen in ciidanka ay halkaasi maraan.

Dhaawaca Wariye Afrika ayaa hada yaala Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho sida wararka aan ku helnay.

Dagaalka waxa uu ka dhacay Dagmada Boondheere waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay Dad ka badan 10 Ruux oo askar iyo Shacab isugu jirta.

La soco wixii kusoo Kordhaa Insha allah