Animation

War Hada soo Dhacay: Raisul Wasaaraha Itoobiya oo Goordhaw ka soo dagay Aadan Cadde iyo Shirka IGAD oo….

no responses
Tuesday September 13, 2016 - 11:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Raiisul-wasaaraha Dalka Itoobiya Mr: Hailemariam Desalegn ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Hailemariam oo garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana loo galbiyay goobta uu shir-Madaxeedka Urur-goboleedka IGAD uu ka dhacayo.

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw la filayo inay Wufuud kale oo ka tirsan Ururka IGAD ay yimaadaan Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhacayo Shir-madaxeedka Wadamada ku bahoobay Ururkaasi.