Animation

War Hada soo Dhacay: Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdi uu Horkacaayo oo Goordhaw Gaaray Magaalada…..

no responses
Thursday September 15, 2016 - 9:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.

Wafdigaasi uu hogaaminaayo Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar  si weyn  ugu soo dhaweryay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo  qeybaha kala duwan ee bulshada

Madaxweynaha waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah u furo wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee gogashiisu taallo magaalada Jowhar.

Ergada ka qeybgalaysa shirka ayaa waxaa xilligaan ay ku sugan yihiin  hoolka shirka loogu talagalay, iyadoo sidoo kale, ammaanka magaalada Jowhar si weyn loo adkeeyay isla markaana ciidmada amniga ee dowladda Soomaaliya sida booliis, nabad sugid iyo militiri oo kaashanaya AMISOM ay xaqiijinayaan amniga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.