Animation

War Hada soo dhacay: Dagaal Culus oo Hada ka socda Xarunta Ciidanka Burundi ee Dagmada Afgooye Xili Alshabaab ay La Wareegen Gacan ku heynta Dagmadaas

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 5:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Hada aan ka heleyno Afgooye ayaa waxa ay sheegayan in Dagaalkii Galabta Bilowday uu ilaa iyo Hada ka socdo qeybo kamid ah Magaalada .

Dagaalka oo Markii Hore Qarax ku Bilowday ayaa Marqura waxaa uu is qabsaday qeybo kamid ah Magaalada oo Saldhigyo badan ay Dagaalyahanada Alshabaab Weerar ku qaadeen.

Alshabaab ayaa sheegtay in ay La wareegen Inta badan Dagmada Afgooye iyo Xarumaha Maamulka Dagmada uu ku shaqeynaayay.

Ciidanka Al-shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen Xarunta Degmada,Saldhigga Booliska,Xero Agoon iyo Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed  Ee Magaalada Afgooye.

Dagaalka Xoogiisa waxa uu Hada ka socdaa Saldhig ay Ciidamada Burundi ku leeyihiin Dagmada Afgooye waxaana Goob joogayaal ay sheegen in Ciidanka Alshabaab ay ku suganyihiin Inta badan Gudaha Dagmada Afgooye oo lagu arkaayo Xaafadaha iyo Laamiga Dagmada Afgooye.

Dagaalka oo ahaa Mid qorsheysan ayaa Alshabaab sida Muuqata waxa ay ugu tala galeen in Marqura ay Magaalada Gacan ku heynta la wareegaan .

Lama oga qasaaraha ka dhashay Dagaalka ee soo gaaray shacabka Magaalada Inkasto ay jiraan qasaaro soo gaaray Ciidamada Dowlada oo qaar kamid ah Dhaawacyadooda Xamar loosoo qaaday