Animation

War hada soo dhacay: Ciidamada Jubbaland oo taageero ka helaya Ciidamo Cadaan ah oo Shabaab kala wareegay Dagmada….

no responses
Tuesday January 24, 2017 - 10:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Amisom oo taageero ka helaya Ciidamo Cadaan ah in ay la wareegeen Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagmada Badhaadhe waxaa Mudo badan maamulaayay Xarakada Alshabaab iyadoona Ciidamada Huwanta ay Saakay la wareegeen Magaalada Kadib Markii ay faarijiyeen Alshabaab.

Dagaal kooban oo ka dhacay Magaalada ayaa waxaa ku dhintay 1 qof oo dumar ah sidoo kale kalena waxaa ku dhaawacmay 4 qof kale.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Magaalada Badhaadhe ay hadda joogaan Ciidmada Jubbaland Shabaabkiina laga saaray.

Dagaalyahanadii Alshabaab ee Magaalada ka baxay ayaa Hada waxa ay ku suganyihiin Deegaan Qiyaastii 20-KM u jirta Dagmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.