Animation

War Hada: Socdaalka Danjire Keating ee Magaalada Boosaaso Maxaa Waqtigaan Kusoo Beegay??

one response
Monday November 7, 2016 - 12:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Danjire Keating waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland Wuxuuna halkaasi kulan Xasaasi ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Gaas.

Keating  iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland waxay ka wada hadleen Dardar galinta Arrimaha Doorashooyinka Abaaraha ka jira Degaanada Puntland iyo sidii Xal waara looga gaari lahaa Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Kulanka oo Saxaafada ay Dibad joog ka aheyd ayaan si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha looga ahdlay balse warar soo baxay ayaa sheegaya in Danjire Keating uu Madaxweynaha Puntland u sheegay in si deg deg ah loo joojiyo Dagaalka Galkacyo Beesha Caalamkana ay walaac ka qabto Dagaalka kusoo Laba laabtay Galkacyo.

Danjire Keating sidoo kale wuxuu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Galmudug C/Kariim Guulled isagoona kala Hadlay Daminta Dagaalka Galkacyo.