Animation

War hada: Shacabka muqdisho oo saameyn xoogan ay ku yeelatay banaanbaxa farmaajo lagu taageeraayo kadib markii ciidamada ay…..

no responses
Sunday June 4, 2017 - 9:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Waddooyinka magaalada caasimadda ah ee muqdisho ayaa maanta intooda badan xiran waxaana lagu arkaya ciidamo aad u badan oo waddooyinka ku sugan.

Banaanbaxa lagu taageeraayo madaxweyne farmaajo ee ka socda garoonka kubadda cagta ee banaadir stadium ayaa loo xiray dhamaan waddooyinka muqdisho.

Ammaanka caasimadda ayaa aad loo adkeeyay waxaana la arkaya ciidamo kala duwan hadii ay ahaan lahaayeen milatari,boolis iyo nabad sugidda qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, sida Shibis, Boondheere Cabdi Casiis iyo qayb ka mid ah Xamar weyne, ayaa maanta xiran, iyadoo dadka ay yihiin kuwa lugeynaya.

Madaxweynaha soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa ka qeyb galaya banaanbaxa muqdisho kasocda sidoo kale ra’isul wasaare kheyre iyo xubno golaha wasiirada ka tirsan iyo xildhibaano ayaa ka qeyb galaya dibad baxa muqdisho hada ka socda.

Facebook Comments