Animation

War Hada: Safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaliya oo Markii Ugu Horeysay ka Hadlay Qaabka ay U socdaan Doorashooyinka Isagoona sheegay in…..

no responses
Friday November 11, 2016 - 12:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Safiirka Turkiga u jooga Dalka Soomaaliya, Danjire; Olgan Bekar, ayaa aad usoo dhoweeyay sida habsamida leh ee ay imminka u socdaan howlaha doorashooyinka Dalka.

Olgan Bekar, oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaa raaciyay inay ka dowlad ahaan ka qayb qaadanayaan kaalintooda kaga aaddan hirgelinta arriamaha doorashooyinka.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku tilmaamay doorashooyinka haatan ka socda Soomaaliya, kuwo bidhaaminaya mustaqbalka in loo sii gudbo doorasho Qof iyo cod ah, taasoo ah horumar lagu tallaabsaday.

Mr;Bekar, ayaa mar uu ka hadlayay deeqaha kala duwan ee Soomaaliya kaga yimmaadda walaalahooda Turkiga ku sheegay inay tahay wax soo billoowday Siddeetamayeeyadii, isagoo intaa raaciayay inay Dowladdiisu tan iyo waqtigaasi ka war qabtay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, balse ay raadinayeen fursad lagu garab istaagi karo.

Safiirka Soomaaliya u jooga turkiga ayaa gabagabadii ballan qaaday inay sii Laba jibbaari doonaan taageerada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed oo dhan walba ah, wuxuuna Shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan Walaalahooda Turkiga.