Animation

War hada: Ra’isul wasaare kheyre iyo wafdi uu hogaaminaayo oo hada muqdisho ka duulay xagee ku wajahanyihiin??

no responses
Monday June 12, 2017 - 10:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha ayaa ku sii jeeda Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, Halkaas oo ay kaga qeyb gali doonaan Shir Madaxeedka IGAD oo maanta furmaya.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa uga ambabaxo.

Shirka IGAD ayaa diirada lagu saarayaa xaalada colaadeed iyo mida bani’aadanimo ee ka jirta Koofurta Sudan.