Animation

War Hada: Qunsuliyada Safaarada Soomaliyeed ee Magaalada Cadan oo Shaacisay in ay Bilowday Daad gureynta Qaxootiga Soomaliyeed ee ku Go’doonsan Wadanka Yaman

2 responses
Sunday November 6, 2016 - 8:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Qunsuliyada Guud ee Caden oo in mudda ah ku hawlanayd diiwaan galinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku Go’doomay dalka yemen, oo ay ka bilowdeen dagaallo tan iyo horaantii 2015, ayaa ku guulaysatay inay maanta ka dekedda Caden kasoo daadgureyso qaxooti kor u dhaafaya 200, kuwaas oo isugu jira qoysas wata caruur, dad waayeel ah, dhalliyaro gabdho iyo wiilal leh, kadib markii ay go’aansadee in iyagoo raali ah ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo.

Qunsuliyada oo kaashanaysa hay’adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed iyo hayadda IOM ayaa ku guulaysatay qaaditaanka qaxootigan oo mudo dheer ku xanibnaa magaalada Caden ee dalka Yemen .

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga Soo Daadgureeyay Magaalada Caden oo badankoodu ka soo jeedo gobollada Waqooyi ee soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha nasoo aaddan doonida ay la socdaan ay ku xirato dekeda Berbera, halkaas oo ay ka sii aadi doonaan deegaanada ay hore uga soo qaxeen.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya cadan mudane Axmed Cabdi Xassan Axmed Suudaan ayaa si gaar ah uga mahad celiyey dhinacyadii  ka qayb qaatay suurto galinta  barnaamijka lagu celinayo qaxootiga soomaaliyeed ee ku go’doomay dagaalada dalka yemen.

Mudane Axmed Suudaan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaalada dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga soomaaliyeed ee wali ku sugan dalka yemen una baahan in si nabad ah ay dalkooda hooyo ugu noqdaan,  kuwaas oo badankood ka soo jeeda gobolada koofurta Soomaaliya.

Qunsulka guud aee Caden ayaa hore u hirgaliyey dadaalo lagu samata bixinayey qaxootiga soomaaliyeed ee yemen ku go’doonsanaa, kuwaas oo badankood laga soo daadgureeyay dekeda Mukalla ee dalka Yemen. .