Animation

War hada: Qeybtii seddexaad soomali badan oo laga soo tarxiilay mareykanka oo maanta muqdisho laga soo dajiyay

no responses
Friday May 12, 2017 - 5:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada muqdisho waxaa maanta ka soo dagtay diyaarad waday soomali badan oo laga soo masaafuriyay dalka mareykanka.

Ku dhawaad 67 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa diyaaradii waday waxa ay ka soo dagtay garoonka diyaaraddaha aadan cadde ee magaalada muqdisho.

Diyaaraddan maanta muqdisho timid ayaa dadkaan waxa ay ka soo qaaday dalka kenya waxaana dadkaan laga soo masaafuriyay wadanka mareykanka.

Saraakiisha laanta socdaalka iyo jinsiyaddaha soomalia ayaa waxa ay sheegeen in mas’uuliyiinta Maraykanku u sheegen Soomaalida in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan.

Waa kooxdii saddexaad ee muwaadiniin Soomaali ah ee laga soo tarxiilo Maraykanka tan iyo intii uu xukunka Maraykanka qabtay Madaxweyne Donald Trump.

Bishii Jannaayo waxaa lasoo tarxiilay 90 qof, halka bishii Maarso lasoo tarxiilay 68 qof.