Animation

War Hada: Qarax Miino oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo Dad Shacab u Badan ay Waxyeelo ka soo gaadhay

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 2:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Qarax Miino oo la dhigay Agagaarka Saldhig Ciidan oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ayaa Sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dad rayid ah oo marayay halka uu Qaraxu ka dhacay.

Saddex Qof ayaa ku dhimatay oo Labo kamid ah ay yihiin Gabar iyo Hooyaded,halka ay ku dhaawacmeen illaa Afar kale sida ay noo xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Qaraxa lala damacsanaa Gaari ay wateen Ciidamada Dowladda Soomaaliya,balse ay ka badbaadeen oo Khasaaruhu uu soo gaaray Dad Rayid ah.

Ciidamada Dowladda ayaa halkaas ka sameeyay Baaritaano xooggan,inkastoo aysan jirin Cid ay u soo qabteen.

Facebook Comments