Animation

War hada: Muslimiinta Dalka Mareykanka oo War Cusub ka soo saaray Weerarkii ka dhacay Jaamacadda Ohio

no responses
Wednesday November 30, 2016 - 7:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Hogaamiyeyaasha bulshada Muslimka ah ee gobolka Ohio ee Maraykanka ayaa dhaleeceeyay weerarka arday Soomali ahi ku dhaawacay kow iyo toban qof.

Cabdirisaaq Cali Cartan ayaa baabuur jiidhsiiyay dad dhex lugaynayay jaamacadda Ohio State Univeristy ee ku taalla magaalada Colombus, ka dib na wuxu middi la dhex qaaday dadkii.

Booliska ayaa toogasho ku dilay ku dilay markaa ka dib, waxaanay baarayaan in weerarkiisu ahaa mid aragagixiso iyo in afkaarta xagjirka ah ee internetku duufsadeen iyo in kale.

Dadkii jaarka ahaayeenna waxay sheegeen in uu ahaa nin had iyo goor masaajidka taga oo edeb badan.

Ninka oo da’diisa lagu sheegay 20 sano jir, ayaa sidoo kale ardey ka ahaa Jaamacadda.

Maamulka jaamacadda ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay deggan tahay.

Waxaa kaloo ay xaqiijiyeen in howlgalikii ciidamada uu dhammaaday.

Dadka dhaawacmay waxaa la sheegayaa in xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, cisbitaalka ay ku jiraan.