Animation

War Hada: Mucaaradka Kenya oo Afka Furtay Kuna Baaqay Banaan-bax Soomaliya ka dhan ah

no responses
Sunday September 11, 2016 - 9:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Mucaaradka dalka Kenya ayaa sheegay in ay qorsheynaayaan banaan baxyo xoogan oo looga Soo horjeedo go’aankii dowladda Soomaaliya ku hakisay Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya.

Madaxda Xisbiga Mucaaradka ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay shacabka in ay isku soo baxaan magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin in dowladda Soomaaliya ay joojisay qaadkii loo soo dhoofin jiray gudaha dalka Soomaaliya.

Mucaaradka ayaa  dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta iyo sidoo kale gudoomiyaha gobolka uu qaadku ka baxo ku eedeeyay in ay shacabka kenyaan ay usoo jiideen dhibaatooyinka caburiyay noolashooda.

Shacabka ayay ugu baaqeen in ay sameeyaan banaanbaxyo Nabadeed oo ay ku muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee ay u horseedaday dowladooda.

Afhayeenka Xisbiga oo la hadlay wargeys ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku fashilantahay in ay wadahadal kala gasho dowladda Soomaaliya hakin qaadka ka hor go’aankii qaadka lagu hakiyay.