Animation

War Hada: Meydka Ruux La Gowracay oo lasoo dhigay Geedaan u dhaw Magaalada……

no responses
Friday October 14, 2016 - 1:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka laga helayo deegaanka Baar ee dhaca duleedka magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in goor sii horeysay oo manta ah lagu arkay meydka Ruux la gowracay.

Meydka Ruuxa la gowracay oo ah Nin da’diisa lagu qiyaasay 30 Jir ayaanan la ogeyn Cida sida rasmiga ah ugu dambeysa dilkiisa.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in arintan ay ku abuurtay Cabsi maadaama xaalada amaan deegankaasi aan la isku haleyn Karin.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa gaaray goobta si meydka ruuxaasi usoo qaadan isla markana u aasaan.
Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa xili Xarakada Alshabaab lagu eedeeyay in deegaanka Ceel Cali ee gobaka Hiiraan ay ku dileen Shan Ruux oo dadka deegaanka ahaa iyadoona 50 kalena ay gacanta ku dhigeen kuwaas oo aan la ogeeyn waxa ay ka yeelayaan.