Animation

War Hada: Meydka Nin Ganacsade ah Oogada Jirkiisanaya ay Rasaas ka Muuqato ayaa Saakay lagu Arkay Suuqa Xero dayax ee Magaalada Galkacyo

no responses
Saturday October 29, 2016 - 10:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka Heleyno Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in Saakay Arorii Suuqa Xero Dayax oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada laga helay Meydka Qof Raydi ah oo Oogada Jirkiisa ay ka Muuqato Rasaas Xoogan.

Meydka lagu arkay Suuqa Dayax ayaa la sheegay in uu ahaa Qof Dhalinyaro ah Islamarkaana Jirkiisa laga dheehan karay Rasaas Badan.

Dad Goobjoogayaal ayaa sheegay in Meydka ay Saakay arkeen uu yahay Qof Dhalinyaro ah oo la sheegay in uu kamid ahaay Ganacsatada Suuqa Weyn ee Galkacyo Islamarkaana Deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolada Koonfurta Soomaliya.

Maamulka Wuqooyga Galkacyo weli kama aysan Hadlin Meydka saakay lasoo dhigay Suuqa Dayax ee Wuqooyga Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.