Animation

War hada: Maxkamadda Sare ee Galmudug oo War xasaasi ah kasoo saartay Khilaafka u dhaxeeya C/kariim Guulled iyo Xildhibanada Baarlamaanka

no responses
Monday January 23, 2017 - 11:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug,Yaxye Sheekh Cali,ayaa sheegay in Maxkamadda uu Guddoomiyaha ka yahay ay u dhaxeyso labada garab ee isku khilaafsan siyaasadda maamulka Galmudug.

Garyaqaan Yaxye,waxaa uu sheegay in ka maxkamad ahaan ay dhex dhexaad ka yihiin muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed iyo Baarlamaanka maamulkaas.

Xildhibaannada Galmudug ayaa horay ugu dhawaaqay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed,waxaana kaddib billowday khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada xilka ka qaaday Guuleed ayaa Maxkamadda sare ee Galmudug oo guddoomiyaheeda la magacaabay xilka qaadista Guuleed kaddib ku sifeeyay in uu ka caawiyo mooshinka isaga xilka looga qaaday.

Waxa uu Qareen Yaxye sheegay in maxkamaddooda aysan la jirin dhinac ka mid ah dhinacyada sidoo kalena ay u siman yihiin oo haddii ay dood u keensadaan ay u kala qaadayaan.

Khilaafka u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweynaha maamulkaasi ayaa ka taagan Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.