Animation

War Hada: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybteeda Lixdanaad oo Xukun Dil ah ku Riday Askari ka tirsan Ciidanka Xoga Dalka oo la sheegay in uu…..

no responses
Wednesday October 26, 2016 - 1:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida Qeybteeda Lixdanaad ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari ka tirsan ciidamada boliiska oo si bareer ah u dilay qof shacab ah oo ku sugan degmada Buurhakabo ee gobolka Baay ee Koofurta Soomaaliya.

Askariga la xukumay ayaa lagu waxaa lagu magacaabaa Ibraahin Cabdullaahi Aadan waxa uuna 24/04/2016 si bareer ah u dilay nin shacab ah oo lagu magacaabo Nuur Muqtaar Xussen xilli uu ku sugnaa degmada Buurhakabo ee goblka Baay.

Xukunka askarigaan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Beydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana la filaa in ciidamada xogga ay sida ugu dhaqsiyaha badan xukunkaani ugu fulin doonaan askariga la xukumay si looga hortago dhiiga shacabka ee sida micno darrada ah loo daadinaayo.