Animation

War Hada: Maxay Tahay Sababta loo Hakiyay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Jubbaland??? War Muhiim ah ayaan idin kaga heynaa

no responses
Sunday November 20, 2016 - 2:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay sheegayan Wararka aynu ka heleyno Magaalada Kismaayo Doorashada Aqalka Hoose ee Xildhibaanada ayaa maalintii labaad Hakad ku jirta waxaana la sheegay in maanta Doorashada ay baaqatay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa sheegay in la Hakiyay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Maamulka Jubbaland islamarkaana uu jiro Cabasho ay qabaan qaar kamid ah Beelaha Dega Gobolada Jubbooyinka.

Doorashada Sababta loo hakiyay ayaa waxaa la sheegay in ay tahay Cabsi xoogan oo laga qabo in Doorashada Kuraasta Qaar lagu shubto Maadama ay jiraan Wararka sheegaya in Ergooyinka qaar laga saaray doorashada kuwa Kale oo Dano gaar ah laga leeyahay la keensaday.

Cabasho xoogan ayaa Hada ka taagan Doorashada Aqalka Hoose ee Jubbaland waxaana Beelaha qaar ay shaaca ka qaadeen in Ergooyinkii ay soo dirsadeen Kuwo aan aheyn ay Hada Matalayan Beelaha qaar waxaana Taasi ay keeni kartaa in Doorashada Codadka Kuraasta qaarkood Lagu shubto.

Maamulka Jubbaland weli kama aysan hadlin Cabashooyinka ay Muujinaya Beelaha Qaarkood oo Sababtay in Doorashada ay Hakad gasho.