Animation

War hada: Maxay ka dhaheen farmaajo iyo kheyre qaraxii lagu halaagsamay ee xalay ka dhacay……

no responses
Tuesday May 23, 2017 - 3:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda soomalia ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii ka dhacay magaalada manchester ee boqortooyada UK.

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa bartiisa twitterka ku qoray in dowladda soomalia ay ka xuntahay masiibadii xalay ka dhacday manchester.

Madaxweyne farmaajo ayaa sheegay in Britain ay marwaliba garab taagneyd somalia dowladda iyo shacabka soomaliyeed ay hada garab taaganyihiin boqortooyada iyo shacabka UK.

Sidoo kale ra’isul wasaaraha xukuumadda soomalia mudane xasan cali kheyre ayaa sidoo kale dhambaal tacsi ah u diray dowladda ingariiska isagoona falkaasi ku tilmaamay mid waxashnimo ah.

Qaraxa xalay ka dhacay afaafka hore goob ay ka socotay bandhig faneed oo ku taala magaalada manchester ayaa waxaa ku naf waayay dad ka badan 22 ruux halka ay dhaawacmeen dad 50 ku dhaw.